Dr. Dufle oo ku guuleystay abaal marin caalami ah mid kalena u sharraxan

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Dr.Cismaan Xaaji Maxamuud (Dufle) oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya oo maanta dib ugu laabtay dalka ayaa sheegay in uu ku guuleystay abaalmarin heer caalmi ah oo uu bixiyo mac-hadka Jeveto Bitre oo ku yaalla dalka Talyaaniga.

Dr.Dufle ayaa sheegay  in abaalmarintaasi oo la siiyo dadka wax ka qabto arrimaha samafalka uu ku muteystay abaabulka gurmadkii caafimaad ee uu hormuudka ka ahaa xilliyadii ay socdeen dagaalladii ka dhacay dalka, dib u soo nooleynta isbitaallada Muqdisho iyo soo saarista dhakhaatiir cusub oo Soomaali ah.

Dr.Dufle ayaa sheegay in abaalmarintaas sidoo kale la guddoonsiiyay mas’uul ka tirsan Jaamacadda Banaadir ee Muqdisho.

Wuxuu tilmaamay in guusha uu gaaray in tahay mid u soo hoyatay ummadda  Soomaaliyeed, isla markaana uu noqonayo dhakhtarkii ugu horreeyay ee ka soo jeeda qaaradda Afrika oo ku guuleysta abaalmarintaasi.

Mac-hadka ayaa sidoo kale dhakhtar Dufle u sharxay abaalmarinta caalamiga ah ee dhinaca nabadda ee Nobel Peace Prize.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com