Dagaal ka dhacay TISXIILE iyo YUUSUF INDHOOLE oo gaari lagu gubay

Afgoi(Caasimada Online) – Wararka aan ka helayno deegaanka Tisxiile ee duleedka degmada Afgooye ayaa sheegaya in maanta halkaasi uu ka dhacay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa la sheegay inay qaadeen ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya oo ku sugna duleedka degmada Afgooye, waxaana la sheegayaa in Tisxiile lagu dilay Gudoomiyihii hore ee degmada C/casiis ee gobolka Banaadir.

Dagaalka ayaa la sheegay in la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan waxaana uu maleeshiyaadka daacada u ah Yuusuf Indhoole ay iska kaacin kala hortageen ciidamada dowlada Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Yuusuf Cali Indhoole lagu gubay gaari Cabdi Bille ah, kaasi oo la sheegay inuu goobta ku dhintay.

Taliyaha qeybta booliska gobolka Shabeelaha Hoose, Cabdi Ibraahim Shaamow ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa mid ka dhashay markii Yuusuf Indhoole uu ka hor yimid amarka dowlada.

Ciidamada nabad sugida ayaa labo bil ka hor deegaankaasi ku dilay Cismaan Cali Indhoole oo walaalo ay ahaayeen Yuusuf Cali Indhoole.

Caasimada Online

Xafiiska Afgooye

Caasimada@live.com