Xildhibaanadii ugu badnaa oo maanta usoo baxay Farmaajo

Beledweyne (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan lagu doortay xildhibaanadii u horeeyay ee deegaan doorashada labaad ee maamulka HirShabelle, waxaana ku soo baxay xubno ay wataan garabka Farmaajo.

Kuraasta lagu doortay maanta Beledweyne oo ahaa lix kursi ayaa waxaa la rumeysan yahay in u gacan gelinta kooxda Farmaajo ay ka dambeeyaan madaxda HirShabelle oo gacan saar la leh madaxweynaha muddo xileedkiisu dhaamaday.

Kursiga 1-aad HOP#086: Waxaa ku soo baxay saaxiibka weyn ee Farmaajo ahna La-taliyihiisa amniga qaranka, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo sidoo kale hore u ahaa Taliyihii NISA, waxaana kursigaan ka taagneyd dood badan, hase yeeshe ugu dambeyntii waxaa qaatay Fahad.

Kursiga 2-aad HOP#015: Waxaa dib ugu soo laabatay kursigaan Marwo Xiis Xasan Aadan oo hore ugu fadhiday, waxayna kamid ah xubnaha loo xiray ee taageerada ka helay xulafada Farmaajo.

Kursiga 3-aad HOP#008: Waxaa kursigaan kusoo baxay Maxamed Deeq Barre Cumar (Fiyoore) oo ah mulkiilaha Radio Danan ee magaalada Muqdisho, sidoo kale waxaa ninkaan wata kooxda Farmaajo.

Kursiga 4-aad HOP#274: Kursigaan ayaa waxaa kusoo baxay Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux, oo markii hore uu ku fadhiyay, wuxuuna taageero ka helay kooxda Farmaajo, asaga oo aan taageero ka haysan beesha iska leh kursiga.

Kursiga 5-aad HOP#109: Waxaa kusoo baxay Cabdifatax Qaasim Maxamuud oo hore ugu fadhiyay kursigaan, ahna Wasiir kuxigeenka Gaashaandhiga, wuxuuna taageero weyn u yahay Fahad Yaasiin, saaxiibka Farmaajo.

Kursiga 6-aad HOP#074: Kursigan oo ahaa midka u dambeeyay ee maanta la qabtay ayaa waxaa kusoo baxay Cabdikariin Cumar Xuseen, waxaana meesha laga saaray Wasiir kuxigeenkii hore ee Gaashaandhiga Cabdullaahi Colaad Rooble oo ay kooxda Farmaajo ku tuhuntay in uu xiriir la leeyahay qaar kamid ah Midowga Musharaxiinta.

Doorashada Golaha Shacabka ee dalka ka socota ayaa inta badan u muuqata mid magaca ka sidata doorasho, waxaana ku soo baxa dooranayaal hore loo sii ogaa guushooda.