Xildhibaannada cusub ee baarlamanka Jubaland oo la dhaariyey + Sawirro

Kismaayo (Caasimada Online) – Munaasabad lagu dhaariyey xildhibaannada cusub ee baarlamaanka Jubaland, kuwaas oo 73 ka mid ah xalay ay ku dhawaaqeen guddiga doorashooyinka Jubaland, ayaa maanta lagu dhaariyey munaasabad ka dhacday magaalada Kismaayo.

Xafladda dhaarinta baarlamanka 2-aad ee dowlad goboleedka Jubaland ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xildhibaanno ka tirsan labada aqal, ee baarlamanka federalka Soomaaliya, odoyaasha dhaqanka Jubaland ee soo xulay xildhibaannada, dhammaan guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Jubaland, ururada bulshada rayidka iyo aqoonyahanada deegaannada Jubaland.

Xildhibaannada cusub ee baarlamanka Jubaland ayaa waxaa goobta ku dhaariyay guddoomiyaha maxakamadda sare ee Jubaland, sida uu sheegay xildhibaan Xasan Cabdi oo ka mid ah golaha shacabka goobjoogna ka ahaa munaasabada dhaarinta.

Sheekh Cabd Yuusuf Cali oo ah xildhibaanka ugu da’da weyn xildhibaanada baarlamanka 2-aad ee Jubbaland ayaa noqdey gudoomiyaha ku meel gaarka ah ee baarlamaanka 2-aad ee Jubbaland, ilaa inta laga dooranayo gudoonka cusub ee baarlamaanka.

Xildhibaannada cusub ee baarlamaanka labaad ee Jubaland ayaa waxaa maalmaha soo socda ay guda geli doonaan doorashada guddoonkooda iyo doorashada madaxweynaha Jubaland ee afarta sano ee soo socota maamuli doona maamulka Jubaland.