Wasiir Beyle oo faahfaahin ka bixiyey kulankii ay xajka kula qaateen Muuse Biixi

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa ka warbixiyey shir ay isaga iyo wasiiro kale oo ka tirsan xukuumadda federaalka ay la qaateen madaxweynaha maamulka Soomaalilan, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kaas oo ka dhacay boqortooyada Sacuudi Carabiya .

Beyle oo ka hadlayey kulankaasi ayaa tilmaamay inuu cadeynayo in aysan jirin xuduud dhex taalla Soomaalida.

Sidoo kale wasiirka ayaa shaaciyey in dadka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin dib u heshiisiin, si looga gudbo dhibaatooyinka jira.

‘’Gabi ahaanteena waa in aan u guntanaa sidii aan u raadi laheyn dib u heshiisin kama dambeys ah oo macno leh, misana dhab ah.’’ ayuu yiri wasiirka maaliyadda Soomaaliya.

Kulanka ay xalay yeesheen madaxweynaha Somaliland iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa ah kii ugu horreeyey ee dhexmara labada dhinac, tan iyo markii uu Muuse Biixi Cabdi la wareegay talada maamulkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com