Guddiga dib u heshiisiinta GALMUDUG oo soo saaray shan qodob oo xasaasi ah

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddiga dib u heshiisiinta Galmudug ayaa soo saaray habraaca shiweynaha la filayo in 17-ka bishan uu ka furmo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulkaasi.

Xubnaha guddiga oo shir ku yeeshay magaaladaasi ayaa soo bandhigay illaa shan qodob oo uu ku qabsoomi karo shirkaasi.

Qodobada ay soo saareen xunaha guddiga ayaa kala ah:

  1. Bilawga soo dhaweynta iyo Qaabilaadda Ergooyinka ka qeyb-galayaasha Shirka.
  2. Hubinta iyo Kormeeridda Goobaha Shirka iyo Deegaanka Ergooyinka.
  3. Diyaarinta Ajandaha iyo Agabyada Shirka.
  4. War-gelinta iyo Diyaar-garowga Hay’adaha Amniga iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka.
  5. Xadeynta Waqtiga soo gaaridda Ergooyinka Goobta Shirka oo ah: 14 – 16 Bishaan iyo Furitaanka Shirka oo ah: 17 ka Bishaan.

Shirkan ayaa muhiim u ah Galmudug oo dhowaan galeyso doorashada madaxweynaha iyo mida baarlamaanka ee maamulkaasi.

Qaban qaabadii ugu dambeysay ee shirka ayaana haatan si weyn looga dareemayaa deegaanada maamulka Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com