Musharaxiinta mucaaradka Jubbaland oo soo saaray liis xildhibaanno (Aqriso)

Kismaayo (Caasimada Online) –  Guddiga doorashada oo ay dhowaan magacaabeen Musharraxiinta ka soo horjeeda madaxweyne Axmed Madoobe ayaa dhankooda soo saaray liiska xildhibaanada cusub ee baarlamaanka labaad ee Jubbaland.

Musharraxiintan is bedal doonka ah oo ka horyimid liis uu xalay shaaciyey guddiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka ee uu horay u magacaabay Axmed Madoobe ayaa soo saaray liis kale oo xildhibaano ah.

Liiskan ayaa gaaraya illaa 75 mudane, halka midka lagu dhawaaqay xalay uu ahaa 73 xubnood.

Sidoo kale liiska ayaa waxaa ka muuqda magacyada iyo beelaha ay ka soo jeedaan xildhibaanada cusub.

Arrintan ayaa sii hurineysa khilaafka ka jira doorashada la filayo in bishan lagu qabto magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse sanadkan ayaa waxaa jahwareer xoogan uu ka jiraa doorashada Jubbaland.

Halkan hoose ka Aqriso