Madaxweyne Biixi iyo wasiiro ka tirsan XF oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Sacuudiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo qaar ka mid ah xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya ayaa xalay kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Mina ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Kulankan ayaa waxaa Madaxweyne Biixi ku wehlinayey wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Mudane Maxamed Kaahin iyo xubno kale, halka wasiirada ka socday xukuumadda federaalka Soomaaliya ee ay is arkeen ay kala yihiin wasiirka arrimaha dibadda, Axmed Ciise Cawad, wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Kaluumeysiga Cabdullaahi Bidhaan iyo wasiiro dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud.

Mas’uuliyiintan oo Sacuudiga uu jooga gudasha waajibaadka Xajka ayaa waxa ay isla soo qaadeen xiriirka iyo walaaltinimada labada dhinac.

Wasiiro dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa ka hadlay muhiimada Kulankaasi.

Xaamud ayaa sheegay inay sharaf u aheyd inay la kulmaan Madaxweynaha Somaliland.

“Sharaf ayeey ii ahayd in aan xalay la qaxweeyno Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Madaxweyne Biixi waa nin waayo arag ah, yaqaanana qiimaha aynu isu leenahay, aadna u qaddariya rayiga walaaltinimo.
Fadliga maalmahan barakaysan, iyo dhulkaan barakaysan awgiis Allow kulankeena ka yeel mid barakeysan.”ayuu yiri Cabdullaahi Xaamud.

Kulankan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii dambe xurguf siyaasadeed ay u dhexeysay Soomaaliya iyo Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com