26.9 C
Mogadishu
Friday, June 13, 2025

Xildhibaanada Jubaland iyo Puntland oo ku biiray dhaq-dhaqaaqa ka socda Xamar

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka bilowday dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo xoogleh, kawaas oo ay wadaan siyaasiyiinta mucaaradka ee kasoo horjeedo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in haatan qaar kamid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda deegaannada Jubaland iyo Puntland ay ku biireen dhaq-dhaqaaqyada socda, kuwaas oo buuxiyay garabka xubnaha mucaaradka.

Xildhibaannadan oo deegaan dooashadooda ay tahay labadan maamul oo uu khilaafka kala dhexeeyo dowladda federaalka ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay  Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo kamid ah siyaasiyiinta kusoo laabtay Muqdisho ee haddane ka bilaabay kulamada siyaasadeed xiligan xasaasiga ah.

Kulanka dhex-maray Cumar Cabdirashiid iyo xildhibaannada ayaa daarnaa booqasho iyo kala war qaadasho, sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Sidoo kale, Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka oo madasha hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in muhiim ay tahay xilligan in loo wada istaago badbaadinta Soomaaliya maadaama uu dalku ku jiro xaalad siyaasadeed oo aad u cakiran.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ku balamay in kulamada ay sii socdaan, si looga tasho is mari-waaga taagan iyo muranka hareeyay hannaanka loo wajahayo doorashada dalka.

Mucaaradka Soomaaliya oo hadda kusoo qulqulaya magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa damacsan in ay qaadaan tallaabooyin lagu istaajinayo qorshaha dowladda, halka Villa Somalia ay horay u sheegtay in aan loo joojin doonin ciddii ka aragti duwan ee dood ka qabta hanaanka, taas oo keeni karta isku dhacyo hubeysan in ay Muqdisho ka dhacaan.

Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Sheekh Shariif, Xasan Cali Kheyre, Cumar Cabdirashiid, CC Shakuur iyo xubno kale ayaa shalay isugu tegay Mawlaca Macalin Nuur oo Khaliif Cabdulqaadir Macalin uu ku casuumay, halkaas oo kulan qado ah ay ku yeesheen, kana jeediyeen hadallo ay ku mucaaradeen dowladda.

Dhinaca kale, dowladda Soomaaliya ayaa ka walaacsan qorshe xoog ah oo mucaaradku rabaan in ay ku hor istaagaan doorashada ay xoogeeda isugu geysay Villa Somalia.

24-kii saac ee lasoo dhaafay qeylo dhaan ayaa ka soo yeertay xubno u badan wasiirro oo ay ugu horeeyaan Axmed Macalin Fiqi iyo Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), kuwaas oo warbaahinta marsiiyey hadallo ay ku weerareen mucaaradka ku sugan Muqdisho.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad adag oo siyaasadeed, waxaana la’isku fahmi la’yahay doorashada, iyada oo arrintaas ay sii dheer tahay dagaalka Al-Shabaab ee soo xoogeysanaya, maadaama gobollada Shabeellooyinka ay xoogga soo saartay kooxda.

 

- Advertisement -

Read more

Local News