24.2 C
Mogadishu
Tuesday, January 13, 2026

Muxuu ahaa ujeedka shirka ay guddoomiyeen wasiir Fiqi iyo Odowaa? + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi iyo taliyaha ciidamada Xoogga dalka ayaa maanta si wadajir ah u guddoomiyay kulanka billaha ah ee guddiga farsamo ee xiriirka arrimaha xasilinta ee wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda, kaas oo ka dhacay xarunta wasaaradda ee magaalada Muqdisho.

Ugu horreyn wasiirka iyo taliyaha ayaa guddoomiyaha guddiga farsamo ee xiriirka arrimaha xasilinta ahna agaasimaha xiriirka iyo Lafalgalka dadweynaha ee waaaaradda arrimaha gudaha Cabdicasiis Axmed Gurbiye ka dhageystay warbixin ku aadan ujeedka loo dhisay guddigan, ahmiyadda iyo kaalintiisa xilliggan uu dalku ku jiro dib u xoreyn iyo la-dagaalanka  Argagaxisada,  iska warqabka, mideynta ajendeyaasha iyo farriimaha Dowladda, wacyigelinta iyo habka gudbintooda ee dhammaan hey’adaha labada heer ee ka shaqeeya howlaha xasilinta.

intaas kadib taliyaha ciidanka Xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage ayaa bogaadiyey howsha guddiga isagoo ka warbixyay howlgallada ay ku jiraan geesiyaasha Xoogga Dalka, sida ay ugu raadjoogaan firxadka Al-Shabaab iyo kaalinta ay tahay in guddigan uu ku lahaado gulufka socda iyo bandhigga guulaha.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa dhankiisa ku dheeraaday kaalinta ay warbaahinta u leedahay abaabulka, ka hortagga dacaayadaha argagaxisada, soo gudbinta iyo garab istaagga guulaha Ciidanka Qalabka Sida, jiheynta umadda iyo soo bandhigidda waxqabadka dowladda gaar ahaan dadaallada xasilinta iyo soo kabashada isaga oo adkeeyey in la laba jibaaro howshan loona diyaargaroobo wajigii ugu dambeeyey ee lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Dhinaca kale wasiirka gaashaandhigga ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay safiirka dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya, Mudane Pier Mario Dacco Coppi, oo ay wehliyeen saraakiil ka tirsan safaaradda Talyaaniga.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay arrimo ay kamid yihiin adkeynta iyo horumarinta iskaashiga dhinaca difaaca iyo amniga ee labada dal, iyadoo si gaar ah la isla meel dhigay dardargelinta tababarrada iyo qalabeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Labada dhinac ayaa sidoo kale isku raacay in la sii ballaariyo xiriirka istaraatiijiga ah ee labada dal, iyadoo xoogga la saarayo iskaashiga dhinaca difaaca, xoojinta awoodda ciidanka iyo la dagaallanka argagixisada.

Talyaaniga ayaa ka mid ah dowladaha waawayn ee taageera ciidamada Xoogga dalka, wuxuuna dowladda federaalka ugu deeqay gaadiid dagaal iyo saanad milatari

- Advertisement -

Read more

Local News