Xildhibaannadii mooshinka ka keenay Farmaajo oo na tusay wejigooda dhabt ah

Oraah Caan baxday ayaa ahayd “Aduunku Maa Maadeys, Dadkuna Waa matalayaan! – Dalka waxa uu ka soo baxay laba toddobaad oo xasarado iyo xasillooni darro siyaasadeed oo uu ku jiray kaddib markii ay tiro xildhibaanno ah MOOSHIN ka soo gudbiyeen Madaxweyanaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Wuu buray mooshinkii, hase ahaatee, laba jeer oo ay saxaafadda la hadleen Xildhibaanadii Mooshinka keenay waxa ay ku sheegeen laba arrimood oo aan is qabaneyn. Markii ay mooshinka keeneen waxay yiraahdeen “Madaxweynaha waxaan Mooshinka uga keennay Qayaanno Qaran oo uu galay”, markii mooshinka ay ka laabteenna “Danta dalka ayaan u tannaasulnay”

Waa wax wanaagsan in la’isu tanaasulo, waa dhabbe wacan oo ay fureen mudaneyaasha baarlamaanka ee mooshinka waday maadama aan Soomaaliya arrin ceynkaas oo kale ah looga baran.

Hase ahaatee, waxaa su’aal mudan oo ay tahay in ay ka jawaabaan – Madaxweyne Qayaano Qaran galay maloo tanaasulaa? Goormaad saxan tihiin, ma markii hore ee aad soo eedeyseen Madaxweynaha mise maanta oo aad ka tanaasusheen in aad ku ciqaabtaan Madaxweynaha Qayaanada Qaran?

Waxaa cajiib ah, in labada jeer ee ay xubnihii koobnaa ee Mooshinka ka keenay Madaxweynaha ee ay fariisteen ku soo saareen isla bayaan iska hor-imaanaya! Soomaali jawaab ayey idinka rabtaa!

9-kii bishan ayey tiro xildhibaanno ah mooshin ay ku sheegeen in ay saxiixeen 91 Xildhibaan ka gudbiyeen Madaxweynaha Dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ay ku eedeeyeen QIYAANOOYIN QARAN.

Waxaa dhacay dibad baxyo ballaaran oo ay shacabka arrintaas uga gadoodeen, sidoo kale culumaa u diin, ganacsato, ururada bulshada iyo siyaasiyiinta dhexdhexaadka ah ayaa ka dhiidhiyey oo ka digay cawaaqibxumada ka dhalan karta mooshinkaas.

Labada toddobaad ku dhawaad oo uu dalka fowdo siyaasadeed galay, isla xildhibaanadii mooshinka keenay ayaa sheegay in ay ka laabteen arrinkaas oo ay u tanaasuleen danta dalka!.

Waxa kaliya ee ii muuqda ayaa ah in xildhibaanada markii horeba aysan daacad ahayn, oo ay madaxweynaha ku haysteen wax aan jirin oo ay soo dhoodhoobeen, haddii sidaas aysan ahaynna, qiyaanada qaran ayay qeyb ka yihiin.

Xildhibaanada waxay muujiyeen wejigooda dhabta oo ah fowdo iyo dhibaateyna dalka.

W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow
Minneapolis, United States

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid