Beledweyne (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidamada dowlada ee gobolka Hiiraan ayaa ku eedeeyay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ay hurinayaan dagaal beeleedyada kusoo laalaabtay deegaanka Deefoow ee duleedka magaalada Beledweyne.
Taliyaha ciidamada booliska ee Beledweyne Cali Dhuux Mahad Alle, oo la hadlay Saxaafada ayaa sheegay in dagaalka ka dhacaya Deefow aysan dooneyn joojinta dagaaladaasi, isagoo dowlada iyo AMISOM ku eedeeyay iney daawanayaan waxa ka dhacaya Deefow.
Taliyaha ayaa sheegay in xiliyadii hore marka dagaal beeleed uu dhaco loo kala carari jiray sida dagaalka loo joojiyo, laakiin taa badalkeeda iminka laga qeyb qaadanayo hurinta colaada sida uu hadalka u dhigay.
Taliye Cali Dhuux Mahad Alle, ayaa sidoo kale ku eedeeyay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iney hurinayaan dagaalada ka dhacaya deegaanka Deefoow ee gobolka Hiiraan.
“Waxaa jiro xildhibaano kasoo jeeda gobolka oo doonaya iney colaada sii huriyaan, bal fiiri halkaan waxaa jooga AMISOM iyo madax dowlada ka tirsan mana la doonayo in dagaalka la joojiyo, xildhibaanada waxay doonayaan dhul boob Deefow ah”ayuu yiri taliyaha booliska Beledweyne.
Deegaanka Deefow ayaa waxaa ka dhacayay dagaalo sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaana dagaalkii shalay uu sababay dhimashada ku dhawaad 10 ruux.
Caasimada Online
Xafiiska Hiiraan
[email protected]

