Xildhibaanada BF oo gaaray goobihii ay ku dagaalameen Liyuu boolis iyo Al-Shabaab

Xudur (Caasimada Online) – Xildhibhaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa gaaray goobihii ay dhowaan ku dagaalameen ciidamada Liyuu Boolis ee dowlad deegaanka iyo Xoogaga Al-Shabaab ee ku yaal gobolka Bakool ee koonfurta dalka.

Xildhibaannadaan oo ka soo jeeda maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka mid ah Aadan Maxamed Nuur (Saransoor) wuxuuna sheegay in ujeedkooda uu la xiriiro xog uruurin iyo sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ay saameeyeen dagaalladii ka dhacay halkaasi.

“Magaalada Caato oo aheyd meeshii ugu darneyd dagaallada cadowga argagixisada ay ku soo qaadeen ayaa maanta nimid. Runtii Ceel Barde ayaan kasoo baxnay,” ayuu yiri.

Saransoor ayaa shaaca ka qaaday in markii ay tageen deegaanka si weyn loogu soo dhoweeyey, ayna shacabka aragtidooda ku farxeen, maadaama ay gaartay dowladdu.

“Markaa nimid waxaa la kulanay odayaasha dhaqanka iyo maamulkii illaa 10 KM markaa soo mareynay ayey naga horyimaadeen aadbey noo soo dhaweeyeen wayna hadleen, runtii muraalkooda aad ayey ugu farxeen inay soo gaaray dowladda,” ayuu hadalkiisa raaciyey.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa sheegay inay gurmad isugu jiro raashin iyo daawo ay gaarsiiyeen shacabka si loo caawiyo, maadaama ay sameeyeen barakac.

“Ujeedka waaa inaan dheeri gelino ciidamada, sidoo kale waxaan bulshada u keenay daawo, raashiin iyo gurmad-baan u keenay” ayuu markale yiri Aadan Saransoor.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dadka deegaanka ee barakacay inay guryahooda ku soo laabtaan, isla-markaana ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka ee ka howlgala xadka.

Dhowaan ayey aheyd markii Xoogag ka tirsan Al-Shabaab ay dagaal kula galeen xadka Itoobiya, ciidamada dowlad deegaanka, kaas oo sababay khasaare dhimasho & dhaawac.