Xildhibaanno ku qul-qulaya Muqdisho iyo C/Weli oo baarlamanka la geynayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Xilli uu weli taagan yahay Khilaafka adag ee u dhaxeeya Xasan Sheekh iyo C/Weli Sheekh, ayaa waxaa Muqdisho kusoo qulqulaya Xildhibaanno badan oo ku maqnaa dalka dibaddiisa.

Waxaa la sheegayaa in Xildhibaanada loogu baaqay inay kusoo xaadiraan Muqdisho, si loo helo Cod aqlabiyad ah haddii xalka Khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha uu u biyo shubto Golaha Shacabka.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo ah kuwa intooda badan suga fursadaha noocan oo kale ah ee ku saabsan Khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka, ayaa codadkooda ka iibsanaya Labada Mas’uul kii Lacag badan.

Villa Somalia, ayaa waxaa iminka ka socda Howlgallo ballaaran oo Shaqaalaha Xafiiska Madaxweynaha ay ku iibsanayaan Xildhibaanada, sida horey loogu bartay.

Dagaalka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxda sare ee dalka, ayaa noqday Hadal haynta ugu badan ee Dalka iyo Dibadda, waxaana Hoteelada Muqdisho qaarkooda ka dhacaya Habeen iyo maalin Kulamo gaar gaar ah oo Xildhibaanada lagu kala iibsanayo.

Xildhibaanada kasoo jeeda Maamulka Puntland ayaa la safan Ra’iisul Wasaare C/Wali Sheekh Axmed, iyagoo markaasi fiirinaya Heshiiskii Garoowe, kaasi oo waxba kama jiraan noqanaya haddii ay Xukuumadda jirta uu Daadka qaado.

Wararka waxa ay sheegayaan in illaa iyo hadda uu xildhibaan uruursiga ku horeeyo madaxweyne Xasan Sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com