Xog: C/Weli oo xildhibaanno jabsaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Warka naga soo gaaraya dhanka Xafiiska Ra’isulwasaaraha dalka C/weli sheekh axmed, ayaa sheegaya in Xildhibaano taageero u ahaa Madaxweyne Xassan ay usoo jabeen dhanka Ra’isulwasaaraha.

Wararku waxa ay Tilmaamayaan in Ra’isulwasaare C/weli sheekh uu Habeenimadii xalay Xafiiskiisa ku qaabilay inkabadan 26 xildhibaan oo badi taageero u ahaa Madaxweyne Xassan.

C/weli ayaa waxa uu Xildhibaanadaasi u balan qaaday inuu hirgalin doono wax waliba oo ay ka rajeynayaan Siyaasada, waxa uuna u sameeyay ballamo haddii ay ka dhex muuqdaan Xildhibaanada u Ololeyneysa inta uu socdo khilaafka.

Sidoo kale, Aqalka Ra’isulwasaaraha ayaa waxaa habeenimadii xalay ku baryay Tiro xildhibaano ah kuwaasi oo la sheegay in Ra’isulwasaaraha ay u qaabilsan yihiin dhanka abaabulka mooshinada lagu tuurayo Xassan sheekh, iyagoona isla faaqiday qaabka ugu sahlan ee lagu maja-xaabin lahaa Madaxweyne xassan iyo xubnaha isaga taabacsan.

Waxaa leysla meel dhigay in la sara qaado Ololaha islamarkaana xildhibaanada harsan ee taageerada u ah Xassan sheekh lagu soo biiriyo dhanka C/weli.

Dhanka kale, kulanka u dhexeeyay Ra’isulwasaare C/weli iyo Xildhibaanada ayaa waxa uu noqonayaa kii ugu adkaa oo dhaca tan iyo markii uu curtay Khilaafka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com