Diyaarinta mooshinka C/weli oo socota

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho, kulan aan caadi aheyn ku yeeshay Xildhibaano badan oo la sheegay inay taageero u yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh.

Warka aan halkaasi ka heleyno ayaa sheegaya in Ujeedka kulanka uu yahay mid lagu taageerayo Madaxweyne Xasan oo dagaal siyaasadeed uu kala dhaxeeyo ra’iisul wasaare Cabdi Weli.

Xildhibaan ka mid ah kuwa uu kulanka u socdo ayaa inoo xaqiijiyay inay ka shaqeynayaan Mooshinka ka dhanka ah Ra’isul wasaare C/weli.

Waxa uu tilmaamay inay ku howlan yihiin soo afjarida ra’iisul wasaare Cabdi Weli, oo sida uu sheegay fowdo iyo qabyaalad shaqo ka dhigtay, dowladduna ka socon la’dahay.

Xildhibaanka ayaa yiri “Anagu waxaan qabnaa in laga gardaran yahay  Xasan Sheekh, isaga ayaan garab la nahay, waxa uuna go’aankeenu yahay inaan meel uga soo harno Cabdi Weli, dabcan isaguna maliito oo waxa uu wadaa mooshin ka dhan ah Xasan, insha allah waan arkeynaa halka ay gaareen mooshin ee is daba socdo, balse uma maleynayo inuu haysto taageero badan”.

Xildhibaanada qaar ayaa waxa ay kasoo horjeedaan Ra’isul wasaare C/weli, halka qaarna ay diidan yihiin madaxweyne Xasan, waxaana xiligaani Magaalada Muqdisho iyo xarumaha dowladda ka socda Laba mooshin oo ay kala wadaan Xasan iyo C/Weli.

Dadka siyaasadda taxliiliya ayaa aaminsan in arrintan ay isugu soo biyo shuban doonto, cidda lacag badnaata labada nin, ayada oo xildhibaanada ay codadkooda ku iibsanayaan kumanaan dollar.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com