Dhageyso: Puntland oo iska fogeysay R/W Cabdi Weli kadib xogtii la faafiyey

Garoowe  (Caasimada Online) –  Maamulka Puntland ayaa iska fogeeyey wararka la xiriirinaya inay la safan yihiin ra’iisul wasaare Cabdi Weli, marka ay timaado khilaafka u dhaxeeya isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysay in Puntland iyo Cabdi Weli ay heshiis ku gaareen in xilka uu ka qaado Faarax C/qaadir, si qorshayaal ay lee yihiin loo fuliyo.

Sidoo kale waxaa dorraad Puntland ka dhacay dibad bax lagu taageerayo Cabdi Weli.

Si kastaba, Madaxweyne Ku xigeenka Puntland Eng C/xakiin C/laahi Cumar Camey, ayaa sheegay in dowladda Puntland ay dhexdhexaad ka tahay khilaafka u dhaxeeya madaxda Federaalka ayna jeceshahay in khilaafkaa uu ku dhamaado si dastuuri ah.

Eng Camey ayaa xusay in madaxda Puntland aysan labada garab dhinacna la safanayn oo ay u siman yihiin madaxda Dowladda federaalka.
“Kalama jeclin Cabdi Weli iyo Xasan, waxaan dooneynaa kaliya in xal la gaaro” ayuu yiri Camey.

Xalinta Khilaafka u dhaxeeya madaxda Federaalka ayaa horay Puntland u sheegtay in ay ka qayb qaadanayso markale ayuuna ku celiyey Madaxweyne Ku xigeenka Puntland in Puntland diyaar u tahay xalinta khilaafkan oo dan u ahayn sida uu sheegay umada Soomaaliya oo haysa wadada 2016 ee Doorasho xor ah.

Halkan ka dhageyso Camey

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com