Cakaaro Action GROUP iyo Faroole oo la hadlay C/WELI, una yaboohay lacag

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Cakaaro Action Group Cabdulaahi Salaad Dude iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa waxa ay khadka Taleefoonka kula hadleen Raiisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Wali Sheekh Axmed.

Ururka Cakaaro Action Group, ayaa ka mid ah ururada qabiileysan ee kasoo horjeeda ama dagaalka siyaasadeed kula jira beelaha Hawiye.

Gudoomiyaha CAG iyo Faroole waxa ay u balan qaadeen lacag gaareysa hal milyan iyo sadex boqol oo kun ayna u soo shubi doonaan ayaamaha soo socda, si uu ugu laaluusho xildhibaanada.

Sida ay xog cusub sheegeyso, Faroole ayaa aad u soo dhaweeyey dagaalka Ra’iisul Wasaaraha uu kula jiro Madaxweynaha Soomaaliya, halka Gudoomiye Cabdulaahi Salaad uu halkaas uga balan qaaday in taalo uu garoowe ururkiisa ugu dhisi doonaan hadii uu dhaqan galiyo heshiiskii ay Garoowe kula soo galeen Puntland, oo laga cabsi qabo inuu burburo, haddii Cabdi Weli xilka laga qaado.

Cabdi Wali ayaa aad uga cawday siyaasiin beesha Daarood ah oo ugu horeeyo wasiirka maaliyada Xuseen Cabdi Xalane iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosha Jabriil, oo labadooda uu ku tilmaamay niman kasoo horjeeda hadafka beesha Daarood, waxa uuna si khaas ah uga codsaday in laga shaqeeyo sidii loosoo dabi lahaa ragaas iyo kuwo kale oo aan la magacaabin, oo la safan madaxweynaha.

Faroole ayaa waxa uu ku booriyey gudoomiyaha ururka Cakaaro Action Group (CAG) Cabdullaahi Salaad Dude inuu soo xero galiyo Xildhibaan Xoosh oo ay iski beel kasoo wada jeedaan, halka Faroole uu balan qaaday in meeshuu doono ha u maree uu soo xero galin doono Wasiir Xalane.

Cabdulaahi Salaad ayaa xilal badan kasoo qabtay dowladdii kali-taliska ahayd ee Afweyne waxaana kamid ahaa jagooyinkaas Duqii Muqdisho.

Gudoomiye Cabdullaahi Salaad Dude ayaa waxa uu soo abaabulay Mudaharaad Madaxweyne Xasan looga soo Horjeeday oo Ohio ka dhacay Bishii Sabteembar 2013

W/Q: Xusseen Wehliye Elmi (Xusneey)