Xog: C/Weli iyo xildhibaanada Daarood oo isla meel dhiggay saddex QORSHE

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Weli Sheekh Axmed, ayaa waxa uu kulamo aan caadi aheyn xafiiskiisa kula qaatay Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta kasoo Jeeda Beesha Daarood.

Ilo-wareedyo ka tirsan xafiiska ayaa Caasimada Onlineu sheegay in Kacdoonka Siyaasadeed ee u dhexeeya Xasan iyo C/Weli ay qeyb ka noqdeen Xildhibaanada, Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Beesha Daarood, oo doonaya in Cabdi Weli aan looga adkaan codka baarlamanka.

Taasi waxaa sii dheer, in xildhibaanada beelaha Daarooday ayagana si gaar ah u wadaan mooshin ka dhan ah Xasan Sheekh oo lagu jebinayo midka ay wadaan kooxdiisa.

Sida wararku sheegayaan, kullankii Cabdi Weli iyo xildhibaanada beelaha Daarood, ayaa sidoo kale looga hadlay, sidii loo soo xero gelin lahaa xildhibaanno beeshaas ka tirsan oo taageersan madaxweyne Xasan Sheekh, balse aan badneyn.

Dhanka kale, warar hoose ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Weli Gaas uu Siyaasad iyo dhaqaale ahaan ka qeyb qaadanaayo Mooshinada looga soo horjeedo Xasan Sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com