Xasan Sheekh oo taageerada BEELAHA Hawiye ku lumiyey shan sabab dartood

Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaafka Xasan Sheekh iyo Cabdi Weli, ayey u badan tahay inuu gaaro baarlamanka, halkaasna lagu kala saaro labada dhinac, maadaama ay sheekadu noqotay mindi mindi ku taag.

Mar haddii sheekadi sidaas noqoto, waxa aa lagu xisaabtami doonaan codadka xildhibaanada, waxaana qeyb weyn ka ah codadka xildhibaanada kasoo kala jeeda labada beelood ee labada nin ee Hawiye iyo Daaroood.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli wuxuu taageero weyn ka heystaa beesha uu ka dhashay ee Daarood gaar ahaan Mareexaan, Ogaden, Dhulbahante iyo Majeerteen, hase yeeshee Madaxweyne Xasan wuxuu kalsooni ka heystaa xulufadiisa Damujadiid.

Madaxweyne Xasan Xasan Sheekh wuxuu lumiyay kalsoonida beesha uu ka dhashay ee Hawiye,  kadib markii uu ansixiyay qodobo ay Xeeldheerayaasha Hawiye ku tilmaameen ducfi iyo doqonimo.

Waxyaabaha uu Xasan Sheekh ku waayay taageerada beeshiisa waxaa ugu weyn:-

1- Heshiiskii lagu saxiixay Addis Ababa ee goboladda Jubooyinka loogu saxiixay Axmed Madoobe taas oo ka dhigan inuu xaqiray awood qeybsiga beesha Hawiye ee goboladaas.

2- Heshiiskii uu saxiixay ee gobolka Shabeeladda Hoose loogu xalaaleeyay Maamul ka dhisan Baydhabo , taas oo beelweynta Hawiye la yaab ku noqotay.

3- Heshiiskii uu taageeray ee Ra’iisul Wasaare Cabdiwali la saxiixday Puntland, kaas oo dhigaya inaysan Waqooyiga Mudug ka mid noqon doonin maamulka gobolada dhexe.

4- Madaxweynaha oo aqbalay in dhaqaalaha gobolka Banaadir loo siiyo mushaar shaqaalaha Dowladda ee kasoo shaqo tagay gobollada kale ee dalka, iyadoo dhinaca kalena uu aqbalay in Xabsiga loo taxaabo dhamaan Siyaasiyiinta beesha Hawiye, ganacsatada iyo Wariyeyaasha madaxabanaan.

5- Madaxweynaha oo qeybaha beelweynta Hawiye ka diiday inuu ka laabto ololahii xilka tuurista Ra’iisul Wasaare Saacid , maadama ay guriga Ra’iisul Wasaaraha hooyo ka tahay Caasha Xaaji Cilmi oo la ogyahay miisaanka ay beesha Hawiye iyo Soomaalida ku dhex leedahay.

Si kastaba ha ahaatee, Waxaa Muqdisho looga shaahayaa “TOLKAADA WAA FAARAX”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com