Lacagtiilagu ridi lahaa R/W Cabdi Weli oo gaartay Muqdisho (Xagee ka timid?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ka tirsan Xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh, oo codsaday inaan la magacaabin, ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweynaha iyo kooxdiisa ay haystaan lacag ku filan, oo ay ku ridi karaan Cabdi Weli Sheekh Axmed.

Waxa ay ilo-wareedyadan sheegayaan in lacagtaas ay dowladda Sacuudiga ugu deeqday madaxweynaha, intii uu dalkaas joogo waqtigii xajka.
Ilo-wareedka ayaa sheegaya in lacagta ay dhan tahay 20-milyan oo dollar, inkasta oo dhammaanteed lacagtaas aan loo adeegsan doonin riditaanka Cabdi Weli.

Lacagta oo madaxweynaha loo yaboohay waqtigii uu joogay Sacuudiga, ayaa waxaa dhowaan soo qaaday nin lagu magacaabo Fahad Yaasiin, oo ka mid ah xubnaha sare ee Damu-Jadiid, ahaana ninkii dowladda Qadar kasoo qaaday lacagtii lagu doortay Xasan Sheekh.

Fahad Yaasiin, waxa uu ahaan jiray wakiilka TV-ga Aljazeera ee Muqdisho.

Sidoo kale, Ilo-wareedka ayaa sheegaya in lacagtaani ay magaalada Muqdisho gaartay taariikhda marka ay aheyd 27-ka october, iyadoona Ujeedkeeda lagu sheegay in lagu howl galinaayo Xildhibaanada wada mowshinka ka dhanka ah Cabdi Weli.

Dhanka kale, waxaa habeenimadii xalay kullan aan caadi aheyn ka dhacay Villa Somalia kaasi oo u dhexeeyay Culimada iyo Saraakiisha Dam-Jadiid, oo dadaallo xoogan wada, si loo rido Cabdi Weli.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com