Xog: Maxaa kasoo baxay kulan Kay uu la yeeshay R/W Cabdi Weli iyo Faarax

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka Qaramada Midoobey ee arrimaha Somalia, danjire Nicholas Kay, ayaa la sheegay inuu kullan gaar ah la qaatay ra’iisul wasaare Cabdi Weli iyo Faarax C/qaadir.

Wararku waxa ay sheegayaan in Nicholas Kay oo kulamo gaar gaar ahaa la qaatay Labadaasi mas’uul, balse uu ku guul darreystay in mid waliba uu ka dhaadhacsiiyo in xalinta Khilaafka u dhexeeya Xasan iyo C/Weli uu ku xiran yahay inay heshiiyaan labadooda.

Kulanka uu Nicholas Kay la qaatay C/Weli iyo Faarax ayaa noqday mid aan miro dhal laheyn kadib markii Ra’isul wasaare C/Weli ku adkeystay in xilli walba uu cuskan doono dastuurka, islamarkaana uusan wax iska badeli doonin go’aankiisa isku shaandheynta, halka Faarax C/Qaadir uu isna ka biyo diiday inuu tanaasulo.

ntaa kadib ayaa waxaa la sheegayaa in Nicholas Kay uu qaatay go’aan islamarkaana uu labada mas’uul ku wargaliyay inuu ficilladooda ay keeni karaan in caalamka taageerada kala laabto dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Kay ayaa ku goodiyay in Beesha caalamka uu u gudbinaayo xaqiiqda dhabta ah ee ka taagan Villa Somalia iyo in dalka uu ka xasili la’ yahay Xasan, Cabdi Weli iyo Faarax.

Xogta qaar ayaa sheegeysa in Nicholas Kay uu Ra’isul wasaare C/Weli iyo Faarax C/Qaadir ugu baaqay inay iska casilaan xilka ka hor inta aan laga soo saarin amar adag, balse wararkaas lama xaqiijin karo.

Lama oga sida uu xaalku noqon doono, waxa uuna khilaafka Xasan iyo Cabdi Weli xiligaani jahwareer ku riday Nicholas Kay iyo xubno ka tirsan QM oo qeyb ka ah shaqsiyaadka ku guda jira xalinta khilaafka.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com