Khilaafka Xasan iyo C/weli oo saameyn ku yeeshay wada-hadalka DF & S/land

Hargeysa (Caasimada Online) – Xiisada siyaasadeedka ka dhex aloolsan Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada C/weli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa waxa uu saameyn ba’an ku yeeshay Rajadii laga qabay wada-xaajoodka DF iyo Maamulka Somaliland ee asbuucaani lagu waday inuu ka dhaco Dalka isutaga Imaaraadka carabta.

Wada-hadalka oo lagu waday in gudaha todobaadkaani ka furmo Magaalada Dubai, ayaa waxaa la shaaciyay inuu ku imaaday dib u dhac kadib markii uu saameyn ku yeeshay Khilaafka Labada Mas’uul.

Warar hoose ayaa sheegaya in Ergo uu kamid yahay Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo”lagu waday in maanta ay gaaraan Magaalada Dubia si ay uga qeyb galaan Shirka lagu ambaqaadayo wada-hadalka DF Somalia iyo Maamulka Somaliland hayeeshe ay baaqden kadib markii uu hakat ku imaaday shirka.

Baaqashada shirkaani ayaa waxa uu imaanayaa, iyadoo uu sii laba jibaarmay Khilaafka Madaxweyne Xassan iyo Ra’isulwasaare C/weli taasi oo ah sababta hakisay Shirka.

Dhanka kale, Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland ayaa Tiro Dhawr jeer ah yeeshay Wadahadalo,inkastoo aysan ka soo bixin Natiijooyin wanaagsan,marka laga reebo in wadahadaladu ay sii socdaan.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com