Muqdisho (Caasimada Online) Qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta sheegay madaxweynaha Soomaaliya in uu ka dambeeyo mooshinka ka dhanka ah raysal wasaaraha Soomaaliya oo maalintii labaad maanta dib u dhacay in cod loo qaado.
Xildhibaannada ayaa tilmaamay madaxweynaha in uu dhaqaale ku bixiyay mooshinka isla markaana uu doonayo in meesha laga saaro raysal wasaaraha.
Xildhibaannadaas waxaa ka mid ahaa Maxamed Cabdi Yuusuf, wuxuu sheegay in mooshinka laga soo abaabulay xafiiska madaxweynaha, wuxuuna xildhibaannada baarlamaanka kula dardarmaay in ilaaliyaan sharciga iyo sharafta dadweynaha ay wakiilka ka yihiin.
Ma cadda halka uu ka dambeyn doono mooshinka laga keenay raysal wasaaraha,
Dhinaca kale, xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ka mid ah xildhibaannada taageersan mooshinka ka dhanka ah raysul wasaaraha ayaa ka hor sheegay fadhugga maanta in xukuumadda raysul wasaare Shirdoon ay ku guul-darreysatay inay qabato howlihii looga fadhiyay sida adkaynta ammaanka.
Wuxuu sheegay in tiro ka labo jeer uu is hor taagay madaxweynaha mooshin ay ka keenayeen raysal wasaaraha maadama ay ku guul dareestay wax yaabaha loo doortay.
Magaalada Muqdisho waxaa ka socda kulamo looga hadlaayo mooshinka laga keenay raysal wasaaraha oo maalinta labaad laga doodday.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho