Xildhibaano xoog ku jabsaday xafiis ay ku shirayeen CCC iyo guddoonka BFS

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mida xildhibaannada Baarlamaanka ayaa xalay maqribkii si xoog ah ku jabsaday xafiis ay ku shirayeen Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid iyo guddoonka Baarlamaanka oo ka kooban Guddoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan iyo Labadiisa ku xigeen Jelaani Nuur Iikar iyo Mahad Cawad kadib markii shirkaasi waqti dheer qaatay.

Shilkan oo ka dhacay xafiisyada guddoonka Baarlamaanka Villa Hargeysa waxay xildhibaanadaasi ku doodayeen in shirka qarsoodiga ah bannaanka la soo dhigo oo loo furo xildhibaanada goobta ku sugnaa oo ka kala tirsanaa Kutlooyinka Baarlamaanka.

Xarunt Villa Hargeysa waxaa buux dhaafiyay xalay xildhibaanno badan oo doonaya inay wax ka ogaadaan waxa ka socda meesha kadib markii ay soo baxeen wararka sheegaya in Ra’iisal wasaaraha iyo guddoonka Baarlamaanka ka wada shaqeynayaan sidii loo baajin lahaa kulanka Baarlamaanka ee maanta ku madlan in kalsooni loo qaado wasiirada uu soo magacaabay ra’iisal wasaaraha.

Xildhibaanada oo careysnaa iyo madaxdii shirka ku jirtay ayaa dood kulul dhex martay, waxaana arrinta qaboojiyay guddoonka Baarlamaanka oo xildhibaanada ka codsaday inay is dejiyaan oo la keenayo xukuumada sidii la isku ogaa.

Xiliyadda ay xiisadaha siyaasadeed jiraan waa iska caadi in falal noocan oo kale ahi ay dhacaan. Hore ayaa xildhibaaanno siday mooshinkii laga keenay Ra’iisal wasaarihii hore C/weli Sheekh Axmed waxay sidan oo kale xoog ku jebiyeen qolka hurdada guddoomiyaha Baarlamaanka, si ay mooshinka ugu dhiibaan kadib markii loo sheegay inuu nasanayo oo aanu qaabili karin.

Isha: Goobjooge