Xildhibaano badan oo Mursal u gudbiyey mooshin culus

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano badan oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa goor dhow mooshin u gudbiyey guddoomiyaha golahaasi, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Mooshinkaan oo ay saxiixeen illaa 132 Mudane ayaa waxaa golaha ka hor shaacisay, xildhibaan Xaniifa Xaabsade oo laga soo doorto Koonfur Galbeed.

Xaniifa oo ka hor hadashay xildhibaanada baarlamaanka ayaa ka dalbatay guddoonka golaha shacabka inuu ka aqbalo mooshinkaasi.

Sida ay ogaatay caasimada Online mooshinka ayaa la xiriira kuraasta xildhibaanada haweenka ay ku leeyihiin labada gole ee baarlamaanka doorashada soo socota,  si loo xaqiijiyo qoondada ay leeyihiin haweenka, islamarkaana aan la’isku darin kuraasta haweenka iyo raga, labada gole ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Arrintaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo maanta la filayey in xildhibaanada golaha shacabka ay dood ka yeeshaan xeerka qoondada haweenka oo horey loogu xil-saaray guddiga wadajirka ah ee labada aqal, si ay u soo diyaariyaan xeerkaasi.