24.4 C
Mogadishu
Friday, January 23, 2026

Xildhibaano hor leh oo ku qul qulaaya magaalada Nairobi (Maxaa soo kordhay)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa soo baxaaya warar dheerad ah oo ku saabsan dhaqdhaqaaqa Xildhibaanada mucaaradka Madasha Horusocod ee ku sugan magaalada Nairobi.

Wararku waxa ay sheegayaan in Garoonka magaalada Muqdisho ay maanta ka dhoofen Xildhibaano hor leh kuwaa oo ku wajahan magaalada Nairobi.

Xildhibaanadani ayaa la xaqiijiyay inay ku biirayaan garabka mucaaradka ah ee iminka looga dhawaaqay magaalada Nairobi, waxa ayna ka koobanaayen labada Gole.

Xildhibaanada u dhoofay magaalada Nairobi ayaa waxaa la xaqiijiyay in magaalada Muqdisho uu ka diray Xil. C/rashiid Xiddig oo ah Guddoomiyaha KMG ee Madasha Horusocod.

Xildhibaanada ayaa weli ku qul qulaya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana halkaa uga sii horeeyo Xildhibaano badan.

88 Xildhibaan, ayaa Axadii la soo dhaafay Magaalada Nairobi kaga dhawaaqay Madasha Horusocod, waxayna gudoomiye KMG ah u doorteen Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig.

Dhinaca kale, Xildhibaanada labada Aqal oo ku guda jira Fasax, ayaa Magaalada Nairobi ka wada olole Siyaasadeed, oo ay ku saluugsan yihiin dowladda uu hogaamiyo Maxamed C/laahi Maxamed ”Farmaajo”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News