31 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Xildhibaanno xil doon ah oo feel dheer ugu jiro ballamihii uu ka qaaday Xasan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog aan ka heleyno dhanka Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegeysa in qaar kamid ah Xildhibaanadii u Ololeynaayay Mooshinka Kalsoonida lagala laabanaayay R/W C/weli Sheekh Axmed ay Dadaalo ugu jiraan sidii ay uga dhex muuqan lahaayen Golaha Wasiirada ee xukumada lagu Balansanyahay in dhawaan lasoo Yagleelo.

Xildhibaanada dadaalka ku jiro ayaa la Tilmaamayaa inuu kamid yahay Dahir Amiin Jeesow oo kamid ahaa Moshinwadayaashii Baarlamaanka, iyadoona ay xog hoose sheegeyso in Jeesow horay loogu balanqaaday inuu kamid noqon doono Golaha wasiirada Cusub.

Wararka ayaa intaa kusii darayo in Xildhibaanada qaar ay Madaxweynaha uga fadhiyaan oofinta wacadkii uu kuqaaday inuu ku abaal marin doono xilal ay ku qancaan.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa isaguna dhankiisa ka fakiraayo qaabka uu u kala maareyn lahaa Kontomeeyadii Xildhibaan ee uu u balanqaaday inuu ka dhigi doono Wasiiro iyo wasiir ku-xigeeno.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News