Xildhibaano ka tirsan BF oo soo saaray qoraal xasaasi oo ku socda Mareykanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Kudlada Badbaado Qaran, ayaa soo dhoweeyey waraaq uu qoray Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaablisan Soomaaliya, Nicolas Haysom, u diray DF oo ku saabsan dhacdooyinkii Baydhaba ka dhacaykadib xarigii mukhtaar Roobow, waxayna dalab u direen dowladda Mareykanka.

Warqaddaas ayaa dowladda looga dalbaday inay soo bandhigto faahfaahin ku saabsan gabood falyadii ka dhacay Baydhaba iyo xarigii Mukhtaar Roobow.

Kudlada Badbaado Qaran waxaa ka mid ah xildhibaanada xisbiyada Nabada, Wadajir UPD, iyo xildhibaano madaxbanaan oon aan weli xisbiyo ka mid ahayn.

Qoraalka xildhibaanada Kudlada ayaa lagu yiri “Waxaan sidoo kale soo dhowaynaynaa walaaca ay ka muujiyeen dalalka, Ingiriiska, Jarmalka iyo ergada ka socota Midowga Yurub dhaqanka ciidanka amniga ee ku sugnaa dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed”

Dhinaca kale, Xildhibaanada Kudlada Badbaado Qaran ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in dowladda Mareykanka ay ka aamustay arrintan.

“Waxaa wax laga xumaado ah aamusnaanta Maraykanka ee ku aaddan arrimaha qallafsan ee siyaasadeed Soomaaliya gaar ahaan sida Xukuumadda Federaalku ugu tumato shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha. Marka la eego dhaqanka soo jireenka ah ee dawlada Maraykanku ugu ololeyso dawlad wanaagga iyo dimoqraadiyada, waxa aan la fahmi karin in Maraykanku ka aamuso ku tumashada xuquuqda aadamaha ee aan geed loogu soo gabban oo ay ka mid tahay xoogga xad dhaafka ah ee loo isticmaalay shacabka Baydhabo taas oo sababtay dhimashada qiil la’aanta ah ee 13 qof oo uu ka mid yahay xildhibaan degaanka ah, dhaawac faro badan, caburrin siyaasadeed, xannibaad ka dhan ah xorriyada qawlka, isu imaanshaha, urur ka mid noqoshada, iyo dhaqdhaqaaqa oo intaba dastuurku lama taabtan ka dhigay”

Hoos ka aqriso qoraalka xildhibaanada oo dhamaystiran.