Xildhibaano ka tirsan BFS oo shir degdeg ah uu hadda uga socdo magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Kulan degdeg ah ayaa waxa uu hadda magaalada Muqdisho uga socdaa Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka Somalia.

Kulanka oo ay goobjoog ku yihiin Xildhibaano badan ayaa waxa uu ka socdaa Xarunta Villa Hargeysa ee Magalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa warbixino looga dhageysanayaa guddiga joogtada ee golaha Shacabka Somalia, waxaana Su’aalo laga weydiinayaa Mooshinka ka yaalla Guddoomiye Jawaari.

Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxa ay uga hadlayaan mooshiinkii Maalin ka hor laga keenay gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, waxaana Guddiga wax laga su’aalayaa sababta ay uga hor imaadeen Mooshinka.

Mudanayaasha ku shirsan Xarunta Villa Hargeysa ee Magalada Muqdisho oo weli aan lasoo gudbin tiradooda ayaa ku howlan arrinta Mooshinka.

Xildhibaanada shirsan ayaa la sheegay inay u badan yihiin kuwo uu wato Guddoomiye Jawaari, waxaana jira warar sheegaya inay ka shaqeynayaan sida uu ku burburi lahaa Mooshinka, wallow ay qudhooda laba u kala jabeen.

Sidoo kale, kulanka oo weli ka socda Xarunta Villa Hargeysa ayaa la sugayaa in laga soo saaro qodobo, waxaana inta badan mooshinka ay ku eedeynayeen in xukuumadda ay faraha kula jirto.

Geesta kale, Xildhibaanada iminka shirsan ayaa waxaa ka dhex muuqda kuwo qeyb ka ah qaswadayaasha kasoo horjeeda dowlada Somalia, kuwaa oo rabitaankooda ku hoos qarinaaya kulanka caawa socda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com