XILDHIBAANNO ka tirsan Koonfur Galbeed ‘oo lagu rasaaseeyey’ BAYDHABO

Baydhabo (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo la hadlay warbaahinta ayaa si kulul uga hadlay is hortaag lagu sameeyey, xilli ay doonayeen inay gudaha u galaan xarunta madaxtooyada maamulkaasi.

Xildhibaanadaan oo kasoo horjeeda Madaxweyne Lafta Gareen ayaa shaaca ka qaaday in xilligaas ay ku socdeen inay ka qayb-galaan kulan ay xildhibaanadu ku lahaayeen halkaasi, balse ay u diideen ciidamada gaarka ah ee ka howl-gala dhismaha xarunta madaxtooyada.

Cabdalle Shiin oo ka mid ah xubnahaas ayaa wareysi uu siiyey Shabelle TV wuxuu ku sheegay in rasaas lagu furay, kadibna la jirdilay, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa tihiin ma garaneyno ee naga laabta ayey dheheen, kadib xabad ayey nagu fureen wayna jirdileen dhibaato ayey noo geysteen,” ayuu yiri xildhibaan Cabdalle Shiin.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dhacdadaan ay daba socoto dhaarinta xildhibaano uu ku tilmaamay in si sharci darro ah baarlamaankii oo xiran loo dhaariyey, kuwaas oo ay wadatay madaxtooyada Koonfur Galbeed, isla-markaana ay iyagu ay kasoo horjeesteen.

“Dhacdada maanta dhacday waxay la xiriirta arrin dhacday 4-tii bisha oo aheyd xildhibaano sifo aan sharciga waafaqsaneyn loo keenay golaha, iyada oo weliba baarlamaanka uu xiran yahay in la keeno oo la dhaariyo,” ayuu markale yiri xildhibaan Cabdalle Shiin.

Ugu dmabeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen uusan ogoleyn sharciga, isla-markaana uu doonayo inuu sameysto muddo kororsi horleh.

“Waxa nagula cadaadiyey waxaa ka mid ah xeer hoosaadka iyo dastuurka annaga aan ka hadalnay dartiis ayaa albaabka nalooga celiyey wax sharci ah ma rabaan madaxweyne Cabdicasiis wax sharci ah ma rabo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey xildhibaanku.

Arrintaan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo haatan xaalad siyaasadeed laga dareemayo magaalada Baydhabo, waxaana billowday abaabul xoogan oo looga soo horjeedo maamulka Lafta Gareen oo wajahaya xaalad adag oo ku aadan muddo xileedkiisa sii dhamaanaya.