Xildhibaano loogu hanjabay inaysan soo laaban doonin haddii aysan ka daba-tagin xeerka matalaada G/Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in laba kamid ah Madaxweynayaasha maamul gobaleedyada dalka ay Xildhibaanada laga soo doortay degaanada ay maamulaan ugu hanjabeen in aysan ku raasta ku soo laaban doonin haddii aysan sameynin abaabul ka dhan sharcigii ay ansixiyeen Golaha shacabka ee matalaadda Gobolka Banaadir.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa la sheegay in ay teleefon kula hadleen Xildhibaanada laga soo doorto degaanadooda, islamarkaana ay ugu baaqeen in ay sameeyaan wax kasta oo arrintaasi lagu burin kara iyo doodo kale oo gudaha dowladda ah.

Xildhibaan Maryam Haaruun oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegtay in madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay wadaan fowdo iyo abaabul islamarkaana ay Xildhibaanada laga soo doorto ugu hanjabeen in aysan kuraasta ku soo laaban doonin haddii ay Muqdisho matalaad hesho.

“Waxaan ogahay in Deni iyo Axmed Madoobe ka dambeeyaan xildhibaano kutlad sameystay, waxaa loogu hanjabay in aysan soo laaban doonin haddii ay fowdo ku sameynin mataaladda gobalka Banaadir balse hadda waa ku guul dareysteen” ayey tiri Maryam.

Wali waxay u muuqataa in ay isa soo tarayaan wararku saabsan Matalaadda gobalka Banaadir islamarkaana ay jiraan Xildhibaano isu abaabulaya sidii ay muran u gelin lahaayeen arintaan oo aad loo dhowrayay dhowrkii sano ee la soo dhaafay, ugu dambeynna lagu guuleystay.

Waxaa yaab leh in Puntland iyo Jubaland oo markii hore xubnaha Aqalka Sare ku sad bursaday, islamarkaana beelo la dega aysan siin wixii ay xaqa u lahaayeen inay hadda isku dayayaan inay dadkii deganaa caasimadda dalka u diidaan xuquuqdooda, ayada oo ay jiro in dowladda dhan ay ku nooshahay canshuurta dalkaas.