Daawo: Mursal oo jawaab kulul siiyey Cabdi Xaashi

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa u jawaabay guddoomiyaha golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi, waxaana muuqata in cirka uu isku sii shareeray khilaafka guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Maxamed Mursal ayaa sheegay in Cabdi Xaashi uu horay golaha shacabka uga hor cadeeyay “In uusan ogolaaneyn in labada Aqal ay wada shaqeeyaan, iyadoo ay jirtay in laba guddoon ee baarlamaanka ay wada saxiixdeen inay wada shaqeeyaan.”

Sidoo kale Mursal ayaa sheegay in golaha shacabka ay sharciyan leeyihiin hoggaaminta doorashooyinka dalka, isla markaana ay waajib tahay in afartii biloodba mar uu hor yimaado guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka, balse uusan jirin sharci ku khasbaya inay hor tagaan Aqalka Sare.

“Doorashooyinka iyo guddiga diiwaan gelinta sharciga axsaabta siyaasadeed golaha shacabka ayaa iska leh, waxaan rabaa in aad ku baraarugtaan, maadaama dastuurka uu ku jiro dib u eegis, in badana uu khilaaf ka dhaxeeyay Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, anaga ayaa waxaan go’aansanay si loo helo wadajir in Aqalka Sare aan dhahno wax uusan dastuurku siineyn nagala shaqeeya, laakiin qodobka 47-aad markaa akhrisaan Aqalkaan ayaa iska leh shaqadaas,” ayuu yiri guddoomiye Maxamed Mursal.

Isaga oo sii hadlayey ayuu yiri, “Hadal jeedintii guddoomiyaha Aqalka Sare halkaan ayuu ka sheegay in uusan marna ogolaaneyn in labada Aqal ay wada shaqeeyaan.”

Hoos ka daawo hadalka Mursal