Xildhibaano mooshin ka diyaarinaya xukumada Kheyrre oo ku shiray Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa hadda bilaabatay ololo lagu doonayo in mooshin looga gudbiyo Xukuumadda Xasan Cali Kheyre, waxaana arrintaas wado xildhibaano badan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaas oo siyaasad ahaan aan ku qanacsaneyn xukuumadda.

45 xildhibaan oo isugu jira aqalka sare iyo Aqalka Hoose Ee Barlamanka Soomaaliya ayaa habeen hore kulan looga soo horjeedo Xukuumada Soomaaliya Ku yeeshay Hote SYL Ee Magaalada Muqdisho, sida ay Caasimada Online xog ku heshay.

Xildhibaanadaan oo u badnaa Golaha Shacabka ayaa dhaliilsan Sida ay u shaqeyso xukuumada waxayna diyaarinayaan Mooshin ka dhan ah Xukuumada kheyrre.

Waxyaabaha ay dhibsadeen xildhibaanadaan ka tirsan Barlamanka ayaa waxaa ka mid xeeladaha Amniga Ee Dowlada, qaabka loo wahay xiisada khaliijka iyo ra’iisal wasaaraha oo laguha Kula jira shaqooyinkii Wasiirada.

Saadaalin la sameeyay ayaa muujineyso in Guux siyaasadeed uu ka bilaaban doono Soomaaliya markii dib looga soo laabto fasaxa Barlamanka oo Ku beegan ramadaan kadib.

Waxaa jirto Cabsi weyn oo ku aadan in Xukuumadda Mooshin laga keeno Marka uu furmo dhawaan kala fadhiga Baarlamaanka Soomaaliya oo hadda fasax ku maqan, waxaana sheekadaan maleegayo Xildhibaano iska dhex waayey xukuumadda Kheyre iyo kuwa leh dano gaar ah.

Xukuumadda Kheyre ayaa hadda jirto muddo ku dhow 3 bil, waxaana jirto inay isbadal ku sameysay waxyaabo badan oo dalka ka qaldanaa, sidoo kalana waxaa jirto waxyaabo aan loo marin sidii la rabay, waxayna aheyd in waqti fiican la siiyo taasoo lagu qiyaasi karo waxqabadkeeda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com