Xildhibaano qoraal kulul ka soo saaray qalad kale oo Aadan Madoobe uu maanta galay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Warfaafinta Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa si adag u cambaareeyey falkii ‘xad-gudubka’ ahaa ee maanta ilaalada xarunta golaha shacabka ay kula kaceen weriyayaasha Warbaahinta Madax-banaan.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa la sheegay in maanta uu amar ku bixiyey in banaanka aysan waxaba ka duuba karin saxaafadda, iyadoo laga hortegayo in xildhibaanada careysan ay helaan fursad ay kula hadlaan warbaahinta.

“Waxaan si cad u cambaareynayaa isticmaalka sharci-darrada ah ee Ciidamada loogu adeegsaday Saxaafadda, waxaana si gaar ah farta ugu fiiqayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo amar ku bixiyay in la caburiyo warbaahinta madaxa-bannaan,” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga.

Guddiga ayaa go’aankii saxaafadda looga mamcuunay inay golaha war ka dhex tebiyaan ku macneeyey mid lidi ku ah xorriyadda hadalka, xuquuqda aadanaha iyo sharciga dalka u yaalla.

“Saxaafaddu waa laf-dhabarta dimuqraadiyadda, mana aqbali karno in lagu caburiyo awood ciidan oo loo adeegsado dan gaar ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka oo qoraalkaan ku saxiixan ayaa sheegay in si buuxda uu uga soo horjeedo tallaabadan sharci darrada ah.

“Waxaan ugu baaqayaa hay’adaha dowliga ah, gaar ahaan kuwa garsoorka iyo ilaalinta xuquuqda, in si dhab ah loo baaro arrintan,” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga.

Qoraalkaan ayaa lagu cadeeyey in guddigu garab taaganyahay dhammaan wariyeyaasha Soomaaliyeed ee u taagan in ay bulshada u gudbiyaan xaqiiqda.

“Saxaafaddu ma aha cadow, ee waa saaxiib muhiim u ah horumarka dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga.

Xildhibaan Mowliid Cabdi Maxamuud

Guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku saxiixan qoraalkaan looga jawaabay amarkii Guddoomiye Aadan Madoobe uu maanta u adeegsaday saxaafadda.

Kulankii Golaha Shacabka ayaa maanta ku soo dhamaaday buuq iyo gacan qaad, waxaana weli taagan xiisadii ka dhalatay xildhibaankii uu golaha ka saaray Guddoomiye Aadan Madoobe, Xildhibaanada qaar ayaa soo abaabulay mooshin ay xilka uga qaadayaan guddoomiyaha.