27.2 C
Mogadishu
Wednesday, June 18, 2025

Shariif, Kheyre iyo CC Shakuur oo gacan hadalkii maanta u weeciyey dhinacyo kale

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) –Musharaxiinta mucaaradka ah ee kala ah Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Khayre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa war-xaafadeed wadajir ah ka soo saaray gacan qaadkii ay maanta kulankii golaha shacabka ka dhex geysteen xildhibaano ka tirsan xukuumadda oo is baheystay.

Wasiirrada ka tirsan BFS ee maanta gacan qaadka sameeyey ayaa lagu eedeeyey inay u gacan qaadeen xildhibaano loo diiday inay aragtidooda dhiibtaan, mucaaradka ayaa falkaas ku tilmaamay cabsi gelin.

Sidoo kale, Ciidamada Booliiska ee ilaalada Baarlamaanka ayaa lagu eedeeyey in maanta ay jirdileen weriyaashii tegay kulankii golaha shacabka ee buuqa iyo gacan ka hadalka ku soo dhamaaday, weriyaasha ayaa loo diiday inay wax duubtaan, waxaana laga soo eryey kulanka.

Qoraalkaan ayaa sidoo kale lagu eedeeyey Guddoomiye Aadan Madoobe, iyagoo kula taliyey guddoomiyaha inuu si buuxda ugu hoggaansamo sharciga.

Hoos ka akhriso qoraalka Kheyre, Shariif iyo CC Shakuur:

Waxaan si adag u cambaareyneynaa falka gacan-ka-hadalka ahaa ee ay geysteen qaar ka mid ah Wasiirrada Xukuumadda iyo ciidamada Booliiska ee ilaalada Baarlamaanka, kuwaas oo si cad u weeraray Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo saxafiyiin ka tirsan warbaahinta madaxa-bannaan. Ficilladan cabsi-gelinta iyo tacaddiga ah waxay si toos ah ugu xadgudbayaan xasaanadda Xildhibaananada, xorriyadda saxaafadda, sumcadda iyo haybadda dowladnimada.

Inkasta oo aan marar badan ka dignay hab-dhaqanka Guddoomiyaha, oo ay ka mid yihiin afduub siyaasadeed, hagardaamo joogto ah, iyo hoosaasin sharci-darro ah oo uu ku hayo Golaha, haddana waxay muuqataa inuusan weli diyaar u ahayn inuu ka waantoobo ficilladaas wax u dhimiaya sharafta iyo haykalka Golaha.

Hadallada aflagaadada ah ee uu jeediyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa iftiimiyay kala-duwanaanshaha weyn ee uu dhexeeya xilka uu hayo iyo masuuliyadda laga filayo in xilkaas lagu fuliyo. Waxaa xusid mudan in Sheekh Aadan Madoobe horey xilka Guddoomiyaha looga qaaday sanadkii 2011, iyadoo ay sabab u ahaayeen falal la mid ah kuwa hadda lagu eedeeyay.

Ugu dambayn, waxaan ugu baaqeynaa guddoomiyaha inuu si buuxda ugu hoggaansamo sharciga, kana waantoobo ficillada xadgudubka ah iyo danaysiga shakhsiga ah ee dhaawacaya kalsoonida shacabka iyo hay’adaha dowladeed.

1- Shariif Sheekh Axmed
2- Xasan Cali Khayre
3- Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

- Advertisement -

Read more

Local News