Xildhibaano reer Puntland ah oo sabab yaab leh ku muteysanaya maxkamad

Gaalkacyo  (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, ayaa sheegaya in halkaa lagu maxkamadeyn doono Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka Gaalkacyo, sababo la xiriira dhaliil ay jeediyeen.

Duqa degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland Maxamuud Yasiin Axmed (Tumey) ayaa sheegay in Xildhibaanadasi ay ku xadgudbeen xeerka waxa uuna ku eedeeyay inay qalqal galin ku hayaan maamulka.

Waxa uu Mr Tumey sheegay in maxkamadeyntooda ay ku muteysan doonaan Mooshin uu sheegay inay kawadan isaga, sidaa aawgeed ay u aqoonsan doonaan qaswadayaal.

“Xildhibaanada oo kamid ah kuwa deegaanka waxaanu soo taagi doonaa Maxkamad oo ay ku muteysan doonaan Mooshin ay ku doonayaan inay ku hor istaagan shaqadeyda”.

Mooshinka ay iga gudbiyeen Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka Gaalkacyo, waxaa gadaal ka riixaya xubno Siyaasiyiin ah, sidaa aawgeed waxa ay Mooshinkooda ku muteysan doonaan xukun maxkamadeed”.

Waxa uu sheegay Duqa degmada Gaalkacyo ee dhinaca Puntland in Xildhibanaada Mooshinka ka gudbiyay qaarkood ay iyaga dambiyo ka yaalan Maxkamadda, islamarkaana sheegay in hore dambiyo kala duwan u galeen.

“Waxa ay afduub iyo dhac u geysteen dad danyar ah oo ay boobeen hanta tooda ah”.

Sidoo kale, duqa degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland Maxamuud Yasiin Axmed (Tumey), wuxuu kale uu sheegay in ay hayan nambarada Kaarar ay lacago ku shubeen oo ay ku dhawaad kun qof ka qaateen lacagta.

Sidoo kale, Tumey ayaa ku goodiyay in Xildhibaanadaasi ay ka shaleyn doonaan Mooshinkooda, waxa uuna cadeeyay inay banaanka soo dhigi doonaan kiisaska cadeynta u ah musuqa.

Haddalka Tumey ayaa u muuqda mid carada madaxa looga ceshanaayo, waxaana muuqaneysa in Mooshinka laga geeyay uu ahaa mid mudo soo jiitamaayay.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com