Dagaal laga cabsanayo inuu Jabuuti iyo Eritrea dhex maro + warqad loo diray QM

Jabuuti (Caasimadda Online) – Waxaa cirka isku sii shareertay cabsida laga qabo inuu dhaco dagaal dhex maro dowladaha Jabuuti iyo Eereteriya kadib muddo labada wadan ay qaboojiyeen xiisadii u dhaxeysay.

Dowladda Jabuuti ayaa lasoo sheegayaa inay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres u dirtay waraaq dacwo ah oo ka dhan ah dalka Ereteriya.

Labada dowladood ayaa waxaa u dhaxeyso xurguf ka dhalatay muran ku saabsan dhul xuduudka ku yaalla waxayna hadda wararka sheegayaa inuu Maxamed Siyaad Ducaale danjiraha Jabuuti u jooga Qaramada Midoobay waraq uu u qoray Guterres ku sheegay in ay doonayaan hannaan nabadeed oo lagu dhammeeyo xurgufta wakhtiga dheer u dhexaysay Jabuuti iyo Ereteriya oo ku muransan dhul xuduudka ku yaalla.

Dowladda Jabuuti ayaa Qaramada Midoobay ka codsatay in muranka dhulka xuduuda ku yaalo lagu kala baxo maxkamadda Adduunka ama qaab kale oo dhexdhexaadineed si loo helo xal nabadeed oo u cuntami karo labada dowladood.

Dowladda Jabuuti ayaa Eretariya ku eedeysay inay wado daansani isla markaasna ay sii wadaan heysashada dhulkooda waxayna arrintaas ku tilmaameyn inay tahay wax aan la aqbali karin.

“”Ciidamada Ereteriya waxay sii wadaan haysashada dhulka Jabuuti. Maxaabiista dagaalku waa arrin aan wali laga xisaabtamin, waxa wali socota haddidaada ciidamada ee ka imanaysa dhanka Ereteriya, waxaana saraysa halista loogu jiro isku dhacyo mar kale qarxa,” ayuu yiri Maxamed.

Danjiraha ayaa Qaramada midobaay si deg deg ah uga codsaday in la keeno farsamo nabadeed oo cusub si loo xaliyo xiisadaan laga yaabo inay gaarto meel halis ah iyo dagaal cusub oo labada dowladood dhexmaro.

Waxaa Sanadkii 2010 falshimay dhex dhexaadin ay dowladda Qatar ka dhex sameysay labadooda waxayna arrintaas keentay inay Qatar ciidamadeeda ka qaadato xuduuda lagu muransan yahay.

Qatar ayaa ka carootay markii dowladda jabuuti ay si cad ula safatay Isbahesyiga Sacuudiga hoggaamiyo oo xayiraad saaray dalka Qatar.

Wixii ka dambeeyey go’aankaas ay gaartay Qatar waxaa kor u kacday halista ah in ay isku dhacaan Ereteriya iyo Jabuuti.

Caasimada Online
Xafiiska Jabuuti
Caasimada@live.com