Xildhibaano Mahad Cawad uu ku jiro oo lagu bah-dilay garoonka Aadan Cadde

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad loo diiday in uu galo garoonka Diyaaradaha Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho.

Mahad Cabdalla Cawad, ayaa waxaa Garoonka u diiday ciidamo ka tirsan AMISOM, kadib markii ay u diideen inuu ka dhoofo Garoonka xili la sheegay inuu watay boorsooyinkiisa.

Mahad Cabdalla Cawad, ayaa waxaa sidoo kale la socday Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia oo ay is hortaag ku sameeyen ciidamada AMISOM.

Mahad Cabdalla Cawad, ayaa sheegay in uu ka baaqday Safar dibadda ah oo uu u socday, kadib markii ay si xun ula dhaqmeen ciidamada AMISOM oo uu sheegay inay ka baxeen xadkii loo jideeyay.

Waxa uu Mahad Cabdalla Cawad sheegay in loo diiday inuu  ka dhoofo Garoonka isaga iyo wafdigiisa, hase yeeshee uusan ogeyn sababta rasmiga ah.

Diidmada Mahad Cabdalla Cawad loo diiday inuu ka dhoofo Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ayaa kusoo aadeysa xili si taa lamida ka dhoofida Garoonka loogu diiday Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo ku-xigeenkiisa Koowaad oo Saacado badan lagu xanibay garoonka Aadan Cadde.

Saraakiisha ciidamada AMISOM ayaan weli ka hadal sababta dhoofka loogu diiday Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo ku-xigeenkiisa Koowaad iyo Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawa.

Dhinaca kale, Dowlada Somalia ayaan qudheeda ka hadal haddii ay wax kala socto go’aanka lagu celshay mas’uuliyiintaas iyo in kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com