Xukun ku dhacay askarigii xaaskiisa uurka laheyd ku dilay Kismaayo (Aqri)

Kismaayo (Caasimada Online)-Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee maamulka Jubbaland ayaa xukun dil toogasho ah ku xukuntay gacan ku dhiigle Cabdullaahi Aasad oo ka tirsanaa Ciidamada Jubbaland.

Cabdullaahi Asad wuxuu katirsanaa Ciidamada Darawiishta gaar ahaan Xafiiska bixinta Mushaaradka Ciidamada Dowlad goboleedka Jubbaland.

Askarigan ayaa horay u dilay Xaaskiisa waxaana xiliga uu xukunka dhacaayay Maxkamada ku sugnaa ehelada qaar kamid ah gabadha la dilay ee xaaska aheyd.

Askarigan ayaa gabadha ku dilay xaafada Calanley ee Magaalada Ksimaayo, xilli habeen ah saacadu marka ay aheyd 08:00 fiidnimo, sida ay xirtay Maxkamada.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Jubbaland Bashiir Maxamuud Xareed ayaa sheegay in Maxkamadda Ciidamada ay horay u dhageysatay kiiska, ugu dambeyna ay maanta ku xukuntay dil toogasho ah.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in ciddii aan ku qanacsanayn xukunka Maxkamadda ay u furan tahay inay qaadato racfaan si mar kale loo xaqiijiyo.

Dhinaca kale, ehelka marxuumada ayaa soo dhaweysay go’aanka ay Maxkamada ku riday xukunka dilka toogashada ah.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com