25.9 C
Mogadishu
Thursday, February 12, 2026

Xilka R/W CC oo halis ku jira kadib markii BFS…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan albaabada u xirnaa oo ay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa lagu go’aamiyay in Baarlamaanku u yeero Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali (Sharma’arke).

Go’aankan ayaa ka dambeeyay kulan saacado qaatay oo xildhibaanadu yeesheen kadib markii ay shirkii shalay kasoo xaadiri waayeen Taliyeyaasha Booliska Maxamed Sheekh Xasan iyo Nabadsugidda C/raxmaan Tuuryare oo laga sugayay, halka uu Baarlamaanka hor tegay Wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed.

Shirkii gaarka ahaa ee Baarlamaanka ayaa laga soo saaray qoraal loo diray Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid oo looga dalbaday inuu Baarlamaanka ku hor yimaado muddo 24 saacadood ah oo ku beegan maanta oo Arbaca ah 2-da Maarso 2016.

Cumar C/rashiid ayaa isla shalay galab loo geeyay qoraalka loogu yeerayo, wuxuuna shir xalay la yeeshay Golaha Wasiirada oo ka dooday waxyaabihii uu la hortegi lahaa Baarlamaanka.

Baarlamanka oo dhowaanahan kacsanaa ayaa la filayaa inay su’aalo adag oo tiro badan kala hortagaan Ra’iisal wasaaraha oo ku saabsan xaaladda ammaanka dalka iyo arrimo kale oo siyaasadeed, waxaana suurta gal ah in mooshin xil ka qaadis laga geeyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News