Xilliga A/Madoobe iyo Deni ay imanayaan Muqdisho iyo halka ay degi doonaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Madoobe ayaa la filayaa in maalinta Axadda ee berri ah ay safar ku yimaadaan magaalada Muqdisho, oo ay kula kulmi doonaan madaxweyne Farmaajo.

Labada dhinac ayaa yeelanaya shir la filayo in heshiis looga gaaro doorashada dalka, kadib markii Deni iyo Axmed Madoobe ay diideen qodobadii heshiiska Dhuusamareeb 3, oo dhigayey in dalka laga qabto doorasho dadban oo la mid ah tii 2016 balse la ballaariyey ka qeyb-galayaasha.

Wararkii ugu dambeeyey ee nasoo gaaray ayaa sheegaya in wufuud ka kala socota Puntland iyo Jubaland oo hordhac u ah Labada Madaxweyne ay soo gaareen magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, xog aan helnay ayaa sheegeysa in labada madaxweyne ay degi doonaan madaxtooyada iyo agagaarkeeda. Axmed Madoobe ayaa la filayaa inuu dego madaxtooyada, halka Deni uu degi doono guri gaar ah oo u dhow madaxtooyada.

In madaxweyne Axmed Madoobe dego madaxtooyada ayaa ah arrin weyn, maadaama la ogyahay khilaafkii iyo xiisadda horey u dhex martay isaga iyo madaxweyne Farmaajo, hase yeeshee arrintan ayaa looga gol leeyahay inay abuurto kalsooni siyaasadeed iyo is aaminaad dhex marta Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Jubbaland iyo Puntland oo horay xiriirkooda xumaa.

Dhanka kale Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland uu degi doono guri gaar ah oo u dhow Villa Somalia. Deni ayaa la sheegay inuu diiday inuu dego gudaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, oo markii hore la hadal hayey.

Deni oo ku dhashay degmada Howlwadaag ee Muqdisho, Muqdishana horay u joogi jiray isagoo Wasiir iyo Xildhibaan ah ayaa la sheegay inuu goostay in aanu garoonka diyaaradaha degin oo uu magaalada gudaheeda dego, si aan loogu arkin ajnabi dalka booqanaya oo kale.