TURKEY oo munaafaqnimo ku tilmaamtay tallaabo ay Midowga Yurub ‘qaadayaan’ iyo xiisadda oo kasii dartay

Ankara (Caasimadda Online) – Madaxweyne ku xigeenka Turkiga Fuat Oktay ayaa cambaareeyey hanjabaad dhawaan ay soo saareen Midowga Yurub oo ah in Ankara cunaqabateyn lagu soo rogi doono, xilli dalkiisu uu isku diyaarinayo in uu dhoolatus militari ka sameeyo xeebta Qubrus, iyadoo ay xiisad ka jirto bariga badda Mediterranean.

Hadalka maanta kasoo yeeray Oktay ayaa kusoo aadaya kadib markii Josep Borrell, oo ah madaxa siyaasadda Arimaha Dibadda ee Midowga Yurub, uu sheegay in ururku uu isku diyaarinayo in cunaqabateyn lagu soo rogo Turkiga oo ay qeyb ka tahay in la qaado talaabooyin adag oo dhanka dhaqaalaha ah.

Midowga Yurub ayaa sheegay in cunabateyntaas la saari doono Turkiga haddii aan horumar laga gaarin yareynta xiisadda cirka isku sii shareereysa ee kala dhaxeysa Gariiga iyo Qubrus ee bariga Mediterranean taasoo keentay in Turkiga uu hadalkaas ku tilmaamo inuu yahay mid munaafaqnimo ah.

“Waa munaafaqnimo in Midowga Yurub ay ku baaqaan wadahadal, haddana dhinaca kale ay sameeyaan qorshayaal kale oo ku saabsan howlaha Turkiga ee ka socda bariga badda Mediterranean,” ayuu Oktay ku yiri Twitter-kiisa.

“Waxaan adeegsaneynaa luqadda nabadda iyo diblomaasiyadda, balse kama labalabeyneyno inaan sameyno waxa lagama maarmaanka ah marka loo eego difaacidda xuquuqda iyo danaha Turkiga, taasina waa mid ay ogyihiin France iyo Greece,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Muranka muddada dheer soo jiitamayay ee u dhexeeya Turkiga iyo Giriigga oo labaduba ka tirsan NATO ayaa soo ifbaxay ka dib markii ay labadooduba oggolaadeen heshiisyo iska soo horjeedda oo ku saabsan soohdintooda badda ee Libya iyo Masar, Turkiguna wuxuu u diray markab sahamin ah biyaha lagu muransan yahay bishaan.

Tallaabooyinka Midowga Yurub ayaa loogu talagalay in lagu xadido awoodda Turkiga ee baaritaanka gaaska dabiiciga ah ee biyaha lagu muransan yahay, waxaana cunaqabateynta ee ku hajbatay Midowga Yurub ku jiri kara shaqsiyaad, maraakiib ama adeegsiga dekeddaha Yurub sida uu sheegay Borrell.