Golaha Ammaanka QM oo taageeray mid ka mid ah noocyada doorasho ee Soomaalida ay isku hayaan

New York (Caasimada Online) – Qaraarka shalay kasoo baxay Golaha Ammaanka QM ee 2540 (2020), kaasi oo sharciyadda loogu kordhiyey xafiiska UNSOM, ayaa sidoo kale taageero loogu muujiyey doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda Soomaaliya.

Qaraarka ayaa lagu sheegay in Golaha uu soo dhoweynayo sharciga doorashooyinka Soomaaliya ee la ansixiyey bishii Febraayo, oo ay ku qeexeen tallaabo muhiim ah oo horey loo qaaday. Sharcigaas ayaa qodobada uu xusayo waxaa ka mid ah in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Golaha Ammaanka ayaa sheegay inuu taageerayo caawimaad la siiyo guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaran ee Soomaaliya, ee shaqadiisu tahay qabashada doorashada qof iyo cod ah, ayada oo uu la sheqeynayo xafiiska UNSOS, si loo qabto doorasho toos ah oo ay ka qeyb geli karaan muwaadiniinta ugu badan, si waafqsan dastuurka ku-meel gaarka ah ee Soomaaliya.

“Golaha waxa uu hoosta ka xariiqayaa muhiimadda hanaan doorasho oo loo dhan yahay oo waqtigeeda ku dhacda ay uleedahay xasiloonida Soomaaliya, wuxuuna ku celinayaa rajada uu ka qabo in doorashooyinka mustaqbalka ee Soomaaliya ay noqdaan kuwa xaqiijiya matalaadda dhammaan shacabka Soomaaliyeed, si waaqfsan ballan-qaadyada muddada fog ee ah qabashada doorasho qof iyo cod ah,” ayaa lagu yiri qaraarka.

Waxa uu sidoo kale ugu baaqay dowlad goboleedyada dalka inay u ogolaadaan guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaranka inay si xor ah u gaaraan maamul goboleed kasta, illaa heerka ay u baahan yihiin si ay u hirgeliyaan nooco doorasho ee la isku raacay.

Inkasta oo Golaha Ammaanka uu muujiyey inuu taageerayo in Soomaaliya laga qabto doorasho qof iyo cod ah, haddana wuxuu dhowr jeer ku celiyey muhiimadda in hanaan kasta oo doorasho uu noqdo mid ay isku wada raacsan yihiin dhammaan saamileyda siyaasadda dalka.