Odayaal ka tirsan beelaha Hawiye oo maanta loo diiday inay u safraan Hargeysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaal dhaqan oo ka oscday beelaha Hawiye, isla markaana uu hoggaaminayey Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa loo diiday maanta inay gaaraan deegaanada Somaliland, ayada oo lagu celiyey garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Odayaashan ayaa ku wajahnaa magaalada Hargeysa, balse diyaaradii ay ka raaci la haayeen Muqdisho ayaa ku war gelisay in Somaliland ay uga digtay inay soo qaado, sidaas darteedna aysan qaadi karin.

Mid ka mid ah odayaashaas, Muxiyaddiin Xasan Afrax oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay Hargeysa u aadayeen xalinta dhib ay geysteen dhilinyaro kasoo jeeda Hawiye oo ku xiran Hargeysa.

Muxiyaddiin Xasan Afrax waxa uu sidoo kale sheegay in dadka uga xiran Hargeysa qaarkood ay xabsiyadii lagu xukumay dhameysteen.

“Anaga seddax nin oo meesha ku xiran ayaan xalkooda u soconay oo mid kamid ah isagoo xabsi ka baxsana askari dilay, waxaana dooneynay arintaas inaan kala xaajoono reerka askarigii dhintay,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay safarkooda Hargeysa ku wargeliyeen odayaasha dhaqanka iyo duubabka reer Somaliland ee arrintaasi ay khuseyso.

Hoos ka Daawo