Goormaa ayey DF Somalia shaacineysaa natiijooyinka imtixaanka sanadka 2020?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, Mudane Cabdullahi Goodax Barre oo kulan la qaatay ardayda magaalada Muqdisho ayaa shaaciyey xilliga rasmiga ah ee ay wasaaraddiisu shaacin doonto natiijada imtixaanka 2020.

Goodax Barre ayaa sheegay in haatan ay socoto qiimeyntii ugu dambeysay, islamarkaana si rasmi ah natiijada loogu dhawaaqi doono todobaadka dambe.

Sidoo kale wasiirka ayaa ugu baaqay ardayda Soomaaliyeed inay muujiyaan dul-qaad, islamarkaana ay ka war sugaan wasaaradda waxbarashada oo dadaal xoogan wada.

Wasiir Goodax Barre ayaa xusay in sanadkan uu imtixaanka ka duwanaa sanadihii hore, islamarkaana uu ku soo aaday xilli adag oo uu dalka ka jiro cudurka faafa ee Covid-19.

Dhinaca kale wuxuu sheegay in wasaaraddu ay horumaro ballaaran ka gaaraty dhinaca waxbarashada, islamarkaana ay soo saartay Manhaj nidaamsan oo dalka  laga dhigayo.

Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay inay diyaariyeen nidaam waxbarasho oo saddex sano oo loogu talagalay inay ka faa’iideystaan dadka ka daahay waxbarashada.