Indho Cadde oo ka deyriyey amniga magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – General Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka mid ah saraakiishii hore ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa si adag uga hadlay amni darrada ka jirta magaalada Muqdisho, kadib wareysi uu siiyey Idaacadda Kulmiye.

Indha Cadde ayaa sheegay inuu haatan aad u liito amniga caasimada, islamarkaana ay dhibaato weyn ku qabaan shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in ay la imaan weysay qorshe cad oo lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho.

General Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) ayaa carabka ku goday in maalmihii u dambeeyey ay soo kordheen dilalka, qaraxyada iyo dhaca loo geysanayo dadweynaha.

“Beryahan dambe waxaa soo kordhay amni darada Muqdisho, sida dilalka qorsheysan, miinooyinka la geliyo wadooyinka iyo dhaca habeenkii loo geysto dadka shacabka ah, waa daruuf Soomaalida Muqdisho ku nool in muddo ahna ku noolaayeen, waxaa loo baahan yahay in qorshe cusub lala yimaado”. ayuu yiri Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde).

Hadalkiisa ayaa imaanaya, iyadoo haatan dowladda Soomaaliya ay Caasimadda ka billowday howl-gallo lagu sugayo amniga, kadib weerarkii hotelka Elite ee M/Muqdisho.