Magacaabista R/Wasaaraha cusub: Madaxweynaha oo iska ilaalinaya laba arrin

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa iska ilaalinaya laba arrin oo cawaaqib siyaasadeed aan wanaagsaneyn ku yeelan kara, haddii uu magacaabo ra’iisul wasaaraha cusub ayada oo aan laga gudbin labadaas qodob, sida ay ilo-wareedyo ka tirsan Villa Somalia u sheegeen Caasimada Online.

Ra’iisul wasaaraha cusub ayaa la filayaa in la magacaabo marka laga heshiiyo habka doorashada dalka oo u xayiran madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, oo la filayo inay Muqdisho yimaadaan toddobaadkan.

Shirka ay Muqdisho ku yeelanayaan labada madaxweyne goboleed iyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa laga filayaa heshiis siyaasadeed oo la xiriira doorashada, waxaana kadib la magacaabi doonaa ra’iisul wasaaraha cusub.

Madaxweynaha ayaan dooneyn inuu magacaabo ra’iisul wasaare ka hor heshiiska doorashooyinka dalka laba sabab dartood.

1 – Madaxweynaha wuxuu doonayaa inuusan raiisul wasaaraha cusub wax kaalin ah ku yeelan doodda doorashada, uuna xilka qabto ayada oo taas heshiis laga gaaray oo shaqadiisa ay tahay oo kaliya inuu fuliyo, si uu oga fogaado khilaaf la mid ah kii Xasan Cali Kheyre xilka looga qaaday. Hase yeeshee tani waxay sidoo kale miiska jaanngoynta siyaasadda Soomaaliya ka saareysa beesha Hawiye oo ra’iisul wasaaraha ay tahay in laga soo magacaabo.

2 – Madaxweynaha wuxuu hadda haystaa xulufo ka kooban, xildhibaano, guddoonka baarlamanka, qabiilo iyo maamul goboleedyo oo dhinac kasta uu isku dayayo inuu kaalin ku yeesho magacaabista ra’iisu wasaaraha. Haddii uu ra’iisul wasaare ku dhowaaqo ayada oo aan doorashada laga heshiin, wuxuu weyn karaa dhinacyo badan oo uu u baahan yahay iminka, sidaas darteedna wuxuu doonayaa inuu magacaabo ra’iisul wasaaraha xilli uusan garabkooda usii baahneyn.

Labadan cayaar siyaasadeed ayaa ka socota Villa Somalia, waxayna dhammaan doonaan oo kaliya marka heshiis rasmi ah laga gaaro doorashada dalka.