25.6 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Turkiga oo ka dambeeya mooshinka loo gudbiyey Farmaajo iyo Kheyre xilli xiriirka DF iyo Imaaraadka uu god kusii dhacayo

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari ayaa dhawaan waraaq u gudbiyey Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya, isagoo ka codsaday inay jawaab cad ka bixiyaan mowqifkooda ku aadan heshiiska Saldhigga Berbera.

Haddaba Warar si hoose loo helay ayaa sheegaya in god uu haatan kusii dhacayo xiriirka ka dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladda Imaaraadka Carabta, Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka ayaa dhowaan guddoonkooda waxay u gudbiyeen mooshin culus oo ka dhan ah heshiiskii Imaaraadka iyo Somaliland.

Xildhibaannadan waxay doonayaan in gabi ahaanba ay meesha ka saaraan heshiiskaasi, dibna ugu celiyaan Imaaraadka, Imaaraadka ayaa iyaduna dooneyso in heshiiskaasi uu noqdo mid miro dhal ah, iyadoo qarashaad badan arrintani ku bixineysa.

Hadaba xog kale ayaa sheegaysa in mooshinkaan ay gadaal ka riixeyso dowladda Turkiga oo dooneysa in Imaaraadka laga eryo Soomaaliya.

Dhanka kale madax sare oo ka tirsan DFS ayaa la rumeysan yahay in dhaqaale badan ay Imaaraadka uga qaateen arrintaa heshiiska Somaliland, taasi oo fadeexo kale noqon doonta.

 

- Advertisement -

Read more

Local News