Xog: Xiriirka hoose ee Axmed Madoobe iyo Diini iyo danta Diini ka leeyahay Axmed Madoobe.!!

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa xiriir dhow  la sameeyay wasiirka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya oo beel ahaan kasoo jeeda gobolka Gedo, kaasi oo dadaal dheeri ah u galay sidii loo hishiisiin lahaa maamulka Jubbaland iyo siyaasiinta kasoo jeedo Gedo.

Warar dheeri ah ayaa kasoo baxaya saaxiibtinimada dhow ee bilihii ugu dambeeyay ka dhaxa buurantay wasiirka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya iyo madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe”.

Xogta aan heleyno ayaa sheegaysa in wasiirka gaashaandhiga uu olole fiican ugu jiro labo arin oo ah in la hishiisiiyo siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka Gedo madaxda maamulka Jubbaland, kuwaasi oo uu qilaafkooda uu sii xumaaday markii xilka laga qaaday Maxamuud Sayid Aadan.

Qorshaha labaad ayaa ah in wasiirka gaashaandhiga uu helaa shaqsiga laga dhigayo madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland, waxaana wararka ay sheegayaan inuu la damacsan yahay madaxweyne ku xigeenka Jubbaland wiil ay walaalo yihiin.

Siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka Gedo ayaa xaqiijiyay in C.qaadir Diini uu doonayo in madaxweyne ku xigeenka Jubbaland laga dhigo walaalkii C/qani Sheikh Cali Diini, balse arintaasi ayaa hadal heynta ugu badan ka dhex abuurtay shacabka magaalada Kismaayo iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda Gedo.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com